Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,
ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ah na Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22kii Maarso 2024.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.
“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ayuu yiri Mudane Saalax.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuurka.
“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay. Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA OO XILKA LA WAREEGAY
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.
Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.
WASIIRKA AMNIGA GUDAHA OO XILKA LA WAREEGAY
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag iyo ku-simihii Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali (Xagaa).
Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda amnigu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas awgeedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh, isaga oo intaas ku daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.
Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hey’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga Qaranka.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Agaasimaha Hey’adda NISA, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.