Qaraxayadaan oo shalay ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaala gudaha suuqa bakaaraha ayaa waxaa kordhay khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah.
In ka badan 20 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxyadii shalay dhacay halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.
Ilaa hada dowlada Soomaaliya war kama aysan soo saarin khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Shalay salaadii duhur kadib waxaa gudaha suuqa bakaaraha ka dhacay qaraxyo lagu beegsaday goobo ganacsi oo ilaa lix ah oo ku yaalay agagaarka masjidka Abuu Hureyra ee degmada H/Wadaag waxaana ka dhashay khasaaro baaxad leh.
Sikastaba Qaraxyadii shalay ayaa ku soo aadaya ayada oo ganacsatada qaar ee suuqa ay shalay galinkii hore banaanbax ka dhigeen Qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ayaga oo ka cabanayay canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.