Duqeymaha cirka ayaa imaanaya iyadoo Falastiiniyiinta ku sugan Rafah ay u bareereen weerar ay hay’adaha gargaarku ka baqayaan in ay geystaan khasaare ballaaran Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 32 qof lagu dilay
Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay koonfurta Gaza ee Rafah, iyadoo ay ku dishay tobanaan qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Waxaa jiray warar is khilaafaya oo sheegaya tirada dhimashada ka dib weeraradii , Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in duqeymahaasi ay ku dhinteen 52 qof, halka wakaalada wararka ee Reuters ay sheegtay in 37 qof ay ku dhinteen. Labada xarumoodba waxay soo xiganayeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza.
Duqaymaha Israel ayaa lagu garaacay 14 guri iyo saddex masaajid oo ku yaalla Rafah, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen tiro “bartilmaameedyo argaggixiso” oo ku yaalla degmada Shaboura ee Rafah duqeymahana la soo gaba gabeeyay.
Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay soo furteen labo maxbuus oo ay Xamaas ku qabteen howlgal habeenimo ah oo ka dhacay Rafah.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in maxaabiista oo lagu kala magacaabo Fernando Simon Marman iyo Louis Har ay xaaladooda wanaagsan tahay.
Xamaas ayaa ka digtay in weerar dhulka ah oo ay Israa’iil ka geysato Rafah uu “qarxi doono” wada xaajoodka lagu sii deynaayo maxaabiista kooxda ku hartay ee Gaza.
Duqeymahan ka dhacay magaalada Rafah ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil isku diyaarinayso in ay qaado weerar xooggan oo ay hay’adaha gargaarku ka cabsi qabaan in ay dad rayid ah ku waxyeeloobaan deegaanka ugu dambeeya ee nabdoon ee Qaza.
Ilaa 1.4 milyan oo falastiiniyiin ah, ama in ka badan kala bar dadka reer Gaza, ayaa isugu soo baxay magaalada Rafah si ay uga badbaadaan duqeymaha Israa’iil, taasoo hoos u dhigtay in badan oo ka mid ah dhulka intiisa kale uu burburo.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axadii uga digay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uusan weerar ku qaadin Rafah isagoo aan lahayn “qorshe la aamini karo oo la fulin karo” si loo xaqiijiyo ammaanka dadka gabaadka ku ah magaalada.
Netanyahu wuxuu u ballan qaaday “marin nabdoon” Falastiiniyiinta Rafah, laakiin caddayn la’aanta qorshayaasha daadgureynta ayaa keentay cabsi laga qabo in lagu riixo gacanka Siinaay ee Masar, taasoo kicinaysa xiisadda Qaahira.
Netanyahu ayaa Axaddii u sheegay Fox News in “waxaa jira qol badan” waqooyiga Rafah, taasina waa “meesha aan ku hagi doono”, iyada oo aan la sheegin qaybta Gaza ay badbaado u tahay in loo daadgureeyo.