Qilaaf ka dhashay ayaa soo kala dhaxgalay Madaxweyne xasan Cabdicasiiz Maxamed lafta-gareen waxuuna salka ku hayaa arimaha doorashooyinka koonfur galbeed, lafta-gareen ayaa doonaaya in uu ka soo hormariyo xiligii doorashada ee bisha 11 sanadkaan ujeedkiisauna waa in uu ka shaqeeyo sidii uu ku soo laaban lahaa oo uu maro wadadii saaxiibkiis Deni.
Villa Soomaaliya waa u dacar iyo dhabar jab siyaasadeed haddii lafta-gareen ay u hagaagto qorshahiisa dib iskugu caano shibida marlabaad,villada waxay gacanta ku haysataa ninkii ay badeli lahaayeen Cabdicasiis asagana waa og yahay taa, kulanka in lagu kala kaco waxaa keentay xasan oo diiday aragtida lafta-gareen.
cabdicasiis waxuu ku adkeysanaayaa in uu doorashada uu qabsado waxuuna u diyaar garoobay dagaal siyaasadeed kaga imaan kara villa Soomaaliya waxuuna xooga saari doonaa dhanka hawada in uu siyaasiinta ku aragtiga ahayn uu ka hor istaago, lafta-gareen haddii uu shacabka reer koonfur galbeed aan lagu kicin caleema saarkiisa villada ayadoo qasban ayey ka soo qayb gali doontaa sidii caleema saarkii deni.
Wadadii ay furtay Garoowe waxaa u riyaaqay oo dhiig cusub ay ku shubtay baydhabo iyo dhuusamareeb mana aysan qarsan oo waxay ka sheegeen caleemasaarkii saaxiibkooda Deni waxayna dhagta ugu dhibciyeen madaxweyne Xasan oo hor fadhiyey, madaxweynaha asagoo jawaab dulmar ah ka bixiyey hadalada Lafta-gareen iyo Qoorqoor waxuu yiri asagoo u dhoolacadeynaaya in la soo noqdaa dhib maleh lkn in horey loo socdo ayaa muhiim ah hadalkaas waxaa loo arkaayey mid uu ugu duur xulaayey labada odey iyo deni qudhiisa oo qilaaf aan dabka la kala qaadan kala dhexeeya kana soo bilaabatay 15 may 2022dii.
Mar hadii ay ahaayeen Axmed madoobe iyo Deni labo tintooda hal meel u xiiranta saaxiibo siyaasadeena ahaa hada waxaa jaanta isla helaaya Deni iyo Lafta-gareen in ay is xulafaystaan waxay u goyneysaa macaash siyaasadeed sidoo kale waxay taageero siyaasadeed ka heli doonaan siyaasiin golayaasha dowlada ku jira iyo kuwa banaan joog ah saameyntoodana leh halka Villa Soomaaliya ay u tahay duufaan daminteeda daawo loo heli doonin lkn inta aysan bilaaban duufaanadaas wax walba ayey xooga saari doontaa waxayse samayn toontaa marka ay qiimeyso xaalka miisaanna saarto ay laft-gareen u laab qaboojiso ayna kula heshiineyso sidaasna ay ugu dhex darsato murashax aan muuqan, heshiiskaas haddii uu ka aqbalo hogaamiyaha baydhabo gacantiisa waxaa ku soo hari doonta %50 lkn haddii uu ka diido guushu waa u dhawdahay.
Villa Soomaaliya waxaad moodaa qilaafyada inta badan ay ayada abuuratay oo kan ugu weyn uu yahay wax ka badalka dastuurka ay ku howlan tahay waxaana soo ifbixi doona qilaaf iskiis uga imaan doona Dhuusamareeb waana halka dagaal wajiyo badan ah uu ka qarxi doona maalinteeda ayaana u dayneynaa,sidaana waxaa gacanteeda ku soo hari doona Jowhar iyo Kismaayo oo weliba aan isku haleyn lahayn madoobe isbadbadelkiisa.
Lafta-gareen ma ku guuleysan doonaa wadada uu hada qaaday? waqtiga aan u dayno.