Madaxweynaha Senegal Sall si uu u fuliyo amar maxkamadeed oo ka beddelaya dib u dhaca doorashada
Dib u dhacaasi waxa uu Senegal, oo inta badan loo arkaa mid ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee ugu xasiloon, ku riday jahawareer siyaasadeed.
Madaxweynaha Senegal Macky Sall oo taagan goob fagaare ah
Madaxweynaha Senegal Macky Sall oo khudbad ka jeedinaya kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah ee Golaha Midowga Afrika ee Addis Ababa, Itoobiya, Febraayo 6, 2022
Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa jimcihii ballan qaaday in uu qabanqaabinayo doorashada madaxtinimada “sida ugu dhakhsaha badan” ka dib markii golaha dastuurku uu meesha ka saaray go’aankiisii ahaa in dib loo dhigo codbixinta bishan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu doonayaa in uu si buuxda u fuliyo go’aanka Golaha Dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada. “Si taas loo gaaro, Madaxa Qaranku wuxuu dib u dhac la’aan ku fulin doonaa wadatashiyada lagama maarmaanka u ah qabanqaabada doorashada madaxweynaha sida ugu dhakhsaha badan.”
Golaha, maamulka sare ee doorashada Senegal, ayaa Khamiistii meesha ka saaray dib u dhigista dowladda ee doorashada madaxtinimo ee loo qorsheeyay 25-ka Febraayo iyo dib u dhigista 15-ka Diseembar, iyagoo go’aamiyay in tillaabooyinkaasi ay yihiin kuwo aan dastuuri ahayn.
Golaha dastuuriga ah ayaa baabi’iyay wareegtadii Sall uu saxiixay horraantii bishan ee dib loogu dhigay doorashada, sida lagu sheegay xukun ay ansixiyeen toddoba xubnood oo ka tirsan guddiga.
Go’aanka Golaha Shacbiga ee 5-tii Febraayo ee ah in dib loo dhigo codeynta wuxuu ahaa “ka soo horjeeda dastuurka, xukunka ayaa yiri. “Golaha dastuuriga ah, isagoo xusaya in aan la qabanqaabin karin doorashada madaxweynaha ee taariikhda hore loo qorsheeyay, waxay ku martiqaadayaan masuuliyiinta awoodda u leh inay u qabtaan sida ugu dhakhsaha badan,Mucaaradka ayaa soo dhaweeyey xukunka maxkamadda ee Khamiistii.
“Kani waa go’aan ku soo celinaya Senegal wadada saxda ah. Lama yaabin sababtoo ah wax kasta oo dhacayay aad bay u weynaayeen, “Ra’iisal wasaarihii hore Aminata Toure, oo ku biirtay mucaaradka, ayaa u sheegtay AFP.
Bayaan ay Jimcihii soo saareen Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) oo ku booriyay Sall inuu ku adkeysto jadwalka doorashada, ayaa sheegay inay xuseen go’aanka maxkamadda “waxayna ugu baaqeysaa maamulada awooda u leh inay muddeeyaan taariikhda doorashada madaxweynaha si waafaqsan dastuurka.
Senegal ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu xasiloon Galbeedka Afrika, balse dib u dhigistii doorashada ayaa qalalaase siyaasadeed sababtay, iyadoo saddex qof lagu dilay, tobanaan kalena la xiray intii ay socdeen mudaaharaadyada.
Mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa soo saaray baaqyo cusub , waxaana qorsheeynaayaan maanta oo sabti socod nabadeed oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada rayidka ah.