Itoobiya waxa ay isku dayday in ciidan hubeysan ay la raacaan gaariga madaxweynaha, taas oo ay diidday dowladda Soomaaliya, keentayna in saacado la is mari waayo.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hoteelka ugu tagay MD Xasan, kuna qanciyay in uu Isaga la raaco gaarigiisa, maadaamaa safaaradda Jabuuti ay leedahay illaalo Jabuutiyaan ah oo u gaar ah.
Intii ay labada madaxweyne dhexda sii socdeen, wax habmaamuus wada maris ah looma sameyn , waxaana jidka ay ku galeen saxmad badan taas aad moodo in loo sii diyaariyey laguna soo daayay gawaari ujeeddo leh oo lagu hor gudbayay baabuurka labada madaxweyne, Saxmadda jidadka waa meelaha fursadda u ah dadka geysta qaarijinta amaba lagu muujiyo in wax walba lagu sameyn karo .
Markii ay tageen xaruntii Midoowga Afrika, lama marsiin habmaamuuskii ay ku gali lahaayeen halkii uu shirka ka dhacayay, waxaana dhacday is hor istaag kale kala kulmeen sida la sheegay mid ka mid jiif istaafyada madaxweye xasan uu si qasab ah ku jiiray sidaana albaabkii ku galay maxadexweynahana sidaa uu ku galay xarunta shirka.
madexweynaha asaga caro laga dheehanaayey wajigiisa ayuu qudbadiisii ku sheegay in intaas oo jidgooya ah loo dhigay ceebna ay ku tahay guud ahaan midowga africa , itoobiya waxay sameyneysana ay tahay xadgudub xarunta midowga afrikana ay calaamad su’aal galineyso sidii ay ugu sii shaqayn lahayd ADIS ABAB.
Siyaasiinta iyo falanqeeyaasha rog roga siyaasadda ayaa sheegay in tagista madexweynaha ay ahayd mid laga haboonaa oo ay ahayd in uu udiro wasiirka arimaha dibada, maxaa yeelay weli kamaysan noqon itoobiya damaceedii ahayd waxaan u baahanahay badd horeyna waxay heshiis dhicis ah kula gashay hogaamiyaha gobalada waqooyi Muuse Biixi.
madexweynahu mar uu u safray eleteriya inta xisadaan ay taagneyd waxuu ka leexday hawada itoobiya oo ahayd marin toos ahayd sidaa darteed maxaa hada isbadelay oo qatartii uu uga leexaday hawadeeda mid la mid ah amaba ka sii qartasan ugu galay xuddunta itoobiya? waa su’aasha jawaabteeda aysan cadeyn ayey leeyihiin siyaasiinta.
dhacdadaan madexweynaha ku qabsatay Adis xariirka ma u jari doonaa ciidamadii ka horistaagay shirkii midowga africa qayb ka mida waxay joogaa dalka miyuu ka sari doonaa gudaha dalka?