Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Soomaaliya isla markaana uu shir guddoomiyay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu saxiixay heeshiiskan.
Ra’iisul wasaaraha oo kulankan aan caadiga ahayn ka hadlayay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed –
waxaana uu sidoo kale uu faahfaahiya ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyee.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirrada difaaca ee labada dal waa Soomaaliya iyo Turkig’e ay wada gaareen heshiiskaan.
Heshiiskan ayaa muhiimaddiisa waxa ay tahay ilaalinta xeebaha iyo difaaca dalka, wuxuuna kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Somalia iyo Itoobiya, sidoo kale ra’isul wasaare Xamse ayaa sheegay in uu heshiiskaan meesha uu ka saari doono damac kasta oo badeena lagu haweysan karo sida burcad badeed
Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in heshiiskan uu sii jirayo oo ciidamada Turkiga ay badda Soomaaliya sii joogi doonaan muddo 10 sano ah.
Bilowgii bishaan Febraayo ayuu Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya heshiiskaan ku soo saxiixay dalka Turkiga, waxaana Turkiga u saxiixay wasiirka gaashaandhigga dalkaas.
Saxiixaaas ayaa maaanta noqday mid mira dhalay kadib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen.
Wararka la helaayo ayaa sidoo kale tilmaamaayo in ay soomaliya qaadan doonta maraakiib deyn ama iiba ah ay ka heli doonta dowladaha Turkiga ugu deeqaan.
Heshiiskaan ayaa la filayaa in faahfaahin uu ka bixiyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in uu khudbad ka horjeediyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.