Saylac oo mar qatar dareentay ayaa niyadsami sal mugii u fariisatay ka dib fariin qabar wanaagsan xambaarsan kaga timid magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, fariintaas ka dib waxay sawiratay ciidamadii badda ee ay aragooda u dambeysay 1991 in ay hadda soo gaaraayaan waxaana u daaran heestii ahayd soomaali baan ahay san ku neefle anigaa ugu sareeya waliba waxay sare u qaadaysaa
Socdaalkaygu waa meel
Sahadaydu waa darcar
Soohdintaydu waa caad
Seytadaydu waa cudur
nin isigay ma nabadgalo
nin isugayna maba jiro
wataa saylac sanka taagaysa waaya waayana soo xasuusatay hargaysana u sheegtay in soohdinta sina lagu qaadan karin inta ay muqdisho nooshahay idimka ILLAAHEY maalin majaraha way inoo qaban labadeenuba,tiirka midnimaduna waan dhankeena ayaan ka adkeyn doonaa.
Saylaca waxaa neefta ku soo celiyey heshiiskii taariikhiga ahaa Turkigga iyo Soomaaliya ay wada galeen ee ay meel mariyeen golayaasha dowladda sida baarlamaanka iyo golaha wasiirada madexweynahana qalinka ku duugay, heshiiskaas ayaa dhigaayey difaaca iyo ilaaalada badda cidii soo haweysatana la farasaari doona, difaacaasna lagu hoos dhisi doona ciidamo badeed ee ay yeelaneyso jamhuuriyada federaalka.
Saylac iyo Awdal nacaw udoon ayaa mareysa,dowlada federaalka soomaaliya ayaa ahmiyad gaara siineysa gobalka Awdal waxaana muuqata saan saan ay ku soo celineyso gaaacanteeda maamulna ay u sameyso arintaa waxaa xoojineysa in ay dhawaan la kulantay mas’uuliyiin xildhibaano ,wasiiro iyo hogaammiye reer Awdal astaanteeda wata taas oo u muuqaal eg tii SSC-KHaatuma oo hada si toos ah u hoos imaada DFS.
tani waxay waxay araxda ka jabineysaa hogaamiyaha hargaysa fadhiya oo hada dhex maquuranaaya mowjado uu asaga isku soo furay ka dib markii uu isku dhaawacay heshiiskii uu ku saxiixay qalin aan qad layhayn mar uu iska xaadiriyey adis ababa.
Hada oday muuse Biixi wax walba wuu waayayaa waayo waxa kaliya oo u harsanaa waxay ahayd qabta duulista iyo hawada oo ciid isaga shubay, hada waxii ka dambeeya diyaarad kasta oo ka duusha ama soo degta Hargaysa waxaa amarkeeda leh Muqdisho sow odaygii wax badso wax beel kuma badelan ? aleylahe haa.
Hada dowlada soomaaliya waxaa ay haysataa fursad dahabi ah oo ay gobaladii waqooyi gacanteeda ay ku soo celin lahayd mar hadii ay gacanteeda soo gashay Sool,Sanaag iyo ceyn maxaa diidaaya in ay Awdal ay gacanteeda ku hubsato maadaama dadka reer Awdal ay calanka baluuga aaminsan yihiin, hada ay meel walba ka wadaan kacdoon ay caasimada dalka dib ugula midoobaayaan.
Marka aad eegto talaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday maamulka hargaysa wuusan is ogayne waxuu ka shaqaynaayaa midnimada soomaaliya maxaa yeelay maalin walba gobal ayaa gacantiisa ka baxaya.
xigmad baa ahayd halkaan rabay roob ma iigu da’ay hada dowladda halkay rabtay roob ma ugu da’ay , Saylac iyo guud ahaan Awdal xisi xirkooda waa xiran kaliya waxay u baahan tahay faataxo siyaasadeed iyo in aan fursadda midnimada ee taagan dowladda federaalka ay ka faa’iidaysato.
Heshiiskaan waxuu wadno qabad ku noqday itoobiya iyo cid kasta oo damac kaga jiray xeebaha dalkeena, Saylac waxay si niyad ah u la dabaal daysaa maanta magaalada muqdisho oo banaan bax xoogan uu ka dhacaayo kaa oo lagu taageeraayo heshiiskii difaaca badda ee turkiga iyo soomaaliya.