Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu qabto banaanbax aan fasax looga heysan hay’addaha amniga dowladda Federaalka.
Macalin Mahdi oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Isgoyska Siinaay ayaa sheegay in shacabka kunool Muqdisho aysan marnaba dhigi karin banaanbax dambe oo booliska aan ogolaasho looga heysan, isla markaana cidii lagu arko tallaabo laga qaadi doono.
“Dadka caadeystay inay magaaladaan ka dhigaan banaanbax rabshado wata waxaan siinayaa digniintii u dambeysay, ma ogolaa karno wixii maanta dhacay oo kale, dhibka ay ka cabanayaan mid ka daran ayey sameeyaan dadkaasi,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.
Sidoo kale Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo ka hadlaayay fal shalay Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ku dilay qof shacab ayaa sheegay in falkaasi dilka loo xiray dhamaan Askartii joogtay isgoyska Siinaay ee rasaasta ku furay dad banaanbax dhigayay.
Isaga oo sii hadlaayay Macalin Mahdi ayuu tilmaamay in laamaha amniga ay baacsan doonaan dadka isku daya inay Muqdisho ka abaabulan banaanbaxyada rabshadaha wata, hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay banaanbax rabshado watay uu ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.