Israa’iil ayaa wali dagaal ka wada Gaza ayadoo baaqyada xabad joojinta ah dhagaha ka fureysaneysa , Australia, Canada , NZ – ayaa ku soo biiray dalalka baaqyada diraaya
Sawirkan laga soo qaaday Rafah ayaa muujinaya qiiq ka dul baxaya Khan Yunis
Bayaanka wadajirka ah, oo ay isku dubarideen ra’iisul wasaarayaasha dalalkaan ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin howlgallada in ay masiibo ka dhalato ciidamada Israel dagalka ay ka wadaan Rafah.
Israa’iil waa inay dhegaysataa saaxiibadeeda sidoo kalana dhegaysataa beesha caalamka in dadka rayidka ah aan laga dhigi karin kuwa la qaxiyo , dhiigooda la daadiyo xamaas darteed ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha.
Dad badan oo ku xayiran isbitaalka Naasir ayaa ka cararay intii lagu jiray weerarradii toogashada ahaa ee lagu dilay, ka dib markii ciidamada Israa’iil ay ku amreen boqolaal shacab in ay ka baxaan isbitaalka Khan Younis ee Gaza. dhanka kale Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen laba weriye oo ku sugnaa Qaza, kaasoo sababay in labada nin ay xaaladoodu liidato.
Weerarada Israa’iil ee Qaza waxa ay ku dileen ugu yaraan 28,576 falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen 68,291 kale tan iyo 7-dii October.