Qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa xoog looga saaray xarunta golaha, kadib markii ciidamada ammaanka ay gudaha u galeen xarunta.
Mudaaharaad ka dhacay Dakar,Dibad-baxayaasha waxaa dib u riixay booliisku markii ay isku dayayeen inay isugu yimaadaan meel u dhow baarlamaanka.
Baarlamaanka Senegal ayaa u codeeyay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimo ilaa 15-ka December cod buuq badan oo dhacay kadib markii xildhibaanada mucaaradka xoog looga saaray aqalka iyagoo ka doodayay go’aankii hore ee madaxweyne Macky Sall ee dib u dhigista doorashada muhiimka ah.
Booliska iyo mudaaharaadayaasha ayaa isku dhacay ka dib markii dib loo dhigay doorashadii Senegal.
Maxkamada Senegal ayaa amartay in dib loogu soo celiyo Sonko oo ku jiray liiska doorashada
dhamaadka liiska
Taageerada baarlamaanka ayaa yimid galinkii dambe ee isniinta markii 105 xildhibaan oo ka tirsan 165-ta kursi ay u codeeyeen tallaabadan, taasoo dib u dhigaysa doorashada ilaa December, madaxweynaha hada talada haya ayaa sii haynaya xafiiska ilaa laga soo dooranayo beddelkiisa.
Hindise sharciyeedka ayaa markii hore cayimay taariikhda doorashada oo ku beegan 25ka Agoosto, waxaana tallaabada dib u dhigista doorashada ay u badan tahay inay keeni karto qalalaase hor leh. Madaxweynaha, oo xilka hayey labadii xilli ee ugu badnaa, ayaa markii hore lagu waday inuu xafiiska ka tago 2-da Abriil.
Sall ayaa horay u sheegay in uusan wax qorshe ah u hayn in uu kororsado xilkiisa, balse dibad baxayaasha ayaa shaki ka qaba.Iyadoo ay mudanayaashu ka doodayeen xeerkan Isniintii, ayaa ciidamada ammaanku waxay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dad mudaaharaadayey oo isugu soo baxay bannaanka hore ee baarlamaanka magaalada Dakar, iyagoo gubayay taayiro, isla markaana dhaleeceeyay Sall.
Bannaan-baxe Malick Diouf, oo 37-jir ah, ayaa sheegay inuusan lahayn musharrax uu doorbidaaya oo xitaa uusan haysan kaadhka codbixinta, balse uu dareemay inay muhiim tahay inuu bannaan-baxo
“Waxa iigu weyn waa inaan dhaho ‘maya’ ajandahan siyaasadeed, inqilaabkan ayaa isku dayaya inuu xukunka sii joogo,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa dhaleeceeyay dib u dhigista la soo jeediyay, ee lagu dhawaaqay markii ololuhu bilaabmi lahaa, sida “afgambi dastuuri ah” iyo weerar lagu qaaday dimoqraadiyada.
rabitaanka baarlamaanka ayaa sidoo kale ahaa mid kacsan iyadoo qaar ka mid ah ku xigeenada ay is gacan qaadayeen oo ay is riixayeen, taasoo keentay fasax ku meel gaar ah.
Ciidamada amaanka ayaa markii dambe gudaha u galay dhismahaasi waxaana ay xoog uga saareen xildhibaano dhowr ah oo mucaarad ku ahaa xarunta dhexe oo isku dayayay in ay hor istaagaan hanaanka codeynta.
“Waxa aad sameyneyso ma ahan mid dimuqraadi ah, ma ahan jamhuuriyad,” ayuu yiri Guy Marius Sagna, oo ka mid ahaa dhowr xildhibaan oo fallaago ah oo xiran maro midabada calanka Senegal.
Maamulka ayaa si ku meel gaar ah u xaddiday isticmaalka internet-ka mobilada laga bilaabo habeenimadii Axada, iyaga oo sabab uga dhigay fariimaha nacaybka ah ee baraha bulshada lagu qoray iyo khataro lagu soo rogayo xasiloonida bulshada.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa ku booriyay Senegal inay ku xalliso “khilaafka siyaasadeed iyada oo loo marayo wadatashi, isfaham iyo wadahadal”.