Kumanaan Ingiriis ayaa ku hoyda laamiyada Magaalada London, dadkaan ayaa heysan meel jiiftaan sababo la xariira iney iska bixin Karin lacagta kirada guryaha. Darasaad lasameeyay ayaa lagu ogaaday iney aad u dheertahay baaca dhibtaada Darbijiifta ku heysta dalka Ingiriiska; darsaada ayaa tibaaxeysa 50 kii Qofba 1 Qof oo kamid ah uu deganyhy guri uu ku meel gaaro, sababo la xariira duruufta nolosha oo aad u adkaatay iyo sare kac ku yimid Qiimaha lagu ijaarto Guryaha.
Dadka la daala dhacyo dhibataas aadka u daran waxey gaarayaan 3272 Qof sida lagu sheegay xog lasoo saaray sanadkii tagay ee 2023; dakaas 1614 waxey u tahay marki ugu horeysay ee hoy la’aan ku nooladaan, hadii leys barbardhigo labadii sano ee lasoo dhaafay 2023 iyo 2022; hoyla’aantu waxey korortay 9% sanadkii 2023 sida an kasoo xiganay shabakada xogta ee CHAIN