Tan iyo markii uu bilowday wax ka badelka dastuurka hurgumo siyaasadeed ayaa dilaacay taa oo keentay in dood aan gabasho lahayn cod dheer ay banaanka la soo istaagaan siyaasiin miisaan ku leh siyaasada dalka, waxaana bilowday culeysyo dowlada lagu saaraayo in dastuurka hab fikir loo dhan yahay wax looga badelo.
Farmaajo ayaa dalka ku soo laabtay 1 maarso asagoo sheegay in arimaha dastuurka uu yimid maalin ka dib oo ay kulmeen labada madaxweyne waxay sheegeen in ay bilaabi doonaa kulamo siyaasadeed lagana qayb galin doona bulshada rayidka hadalkaan ayaa loo arkaa fariin ay u diraayaan madaxtooyada, sida ay uga gaashaaman lahayd dowladda waxaan ku eegi doonaa qormo kale.
Waxaaan shaki ku jirin in ay Farmaajo iyo Shariif ay geed fadhi u noqdaan isbahaysi ka muuqaal duwan kuwii aan arki jirney waa suurta gal in aan aragno wajiyo cusub oo aysan uga maarmin kulamadooda, waxaana ka go’an in ay hor istaagaan damaca villada geed dheer iyo geed gaabana waa ay u kori doonaan, dhanka kale Deni ayaa shirko siyaasadeed kula ah ,mar hadii ay haystaan kabtanka maamul gobaleedyada waxaa hubaal ah in ay haystaan shaxda isku xirka dhexda iyo weerarka , qorshahooduna waxaa ay gaarsiinaayaan maamulada kale wallow hada ay jiraan maamulo dowladda dhexe il gooni ah isaga eegaayo sida Galmudug iyo Koonfur galbeed.
Labada madexweyne dhaqdhaqaaq xoogan ay ka bilaabi doonaan muqdisho ilaa golayaasha baarlamaanka, sidoo kale waa suuro gal in ay shacabka mudisho fagaarayaasha kula hadlaan, Dowlaadda ayaa laga yaabaa in ay ka hor istaagto.
Maalmo ka dib Farmaajo iyo shariif qorshahooda waxuu yahay in ay u kicitimaan garoowe halkaas oo dhawaan ka qabsoomi doona shir siyaasadeed aysan mahdin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shariif iyo farmaajo miyey mataaneynayaan labadooda xisibi mise hal mid ayuu u wada guuri doonaan?
Waxaa jirta laba aragti waa mida koobaade in ay NABAD IYO NOLAL HIMILO QARAN sidooda u kala taagnaadaan laakiin ay noqdaan xisbi oo wax wada dhista markaana codadka lagu taageero xisbiga sallaanta guusha u dhow sidaana xukumad lagu wada dhisto, haddii ay sidaan wax u dhacaan sheekadu waxay noqoneysaa saameynta labada oday oo cirka gasha iyo awood aan la loodin Karin waxayna albaab cusub u fureysaa dimuquraadiyadda.
Aragtida labaad waa in ay la mideeyo labada xisbi si cududa loo mideeyo haddii ay sidaan soo if baxdo hirarka siyaasadeed waxay garaaci doonaan jammalada doorashooyinka, labada oday kafeegooda si degan ayey ku cabi doonaan.
Farmaajo iyo shariif miyey dooda dastuurka ka weecin doonaan jihada uu u socodo?