Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun leh oo Axaddii ka dhacday xero barakac oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimada maamul goboleedka Puntland.
Dhacdadan ayaa timid, kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada ay dhibaato ka gaysteen halkaasi, kadib markii u galeen aqal ay daganaayeen qoys danyar ah, Hooyada oo la hadashay warbaahinta ayaa ka warbixisay sida ay waxa u dhaceen, waxayna sheegtay in gabadheeda oo hurdeysa xoog looga kaxeystay, kadibna la faraxumeeyay.
“Gabadha yar oo jiifta ayay haraadi ku kiciyeen, laba nin ayay ahaayeen, kuwa kalena bannaanka ayay joogeen,” ayay tiri hooyada dhashay gabadha dhibanaha ah.
Sidoo kale waxay sheegtay in “Labada nin gabadha meeshaas ay kaga tageen ilaah waa iiga badbaadiyay maysan dilin, laakiin dhib dhib xoog leh ayey u gaysteen oo way kufsadeen”.
Dhanka kale waxa ay farriin u dirtay hay’adaha ammaanka ee Puntland, ayada oo ka codsatay in loo soo qabto dadkii ka dambeeyey falkaasi kusfsiga ah.
“Waxaan dalbanayaa oo amniga u sheegayaa in waxa saas sameynaayo ama askar ha ahaato ama cid kale ha ahaatee la soo qabto” ayay mar kale tiri hooyada dhashay gabadha.
Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aysan haysan wax lacag ah oo ay ku daaweyso gabadheeda, welina aysan helin gurmad, si loogu caawiyo dhibka soo gaaray gabadha yar, ilaa hada ma jirto cid ay u soo qabteen laamaha amniga
kufsiga ayaa mar walba ah mid soo laalaabta loona gaysta dadka dan yarta ah ee xeryaha barakaca degan