Dublumaasiyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga , oo balse magacooda ka gaabsaday ayaa qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi u sheegay in heshiiskii dhowaanta ay la saxiixdeen dowladda Soomaaliya uu qeyb ka yahay fulinta Qorshaha Amniga 6-da sano ee Dowladda Soomaaliya ay horey u meelmarisay.
Haddaba muxuu yahay qorshahan , muhiimad caynkee ah ayuu leeyahay?
Waa qorshe aanan si weyn shaac u ahayn, faahfaahinta laga hayaana yartahay, balse bishii Diseembar ee sanadkii hore dowladda ay horgeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Beesha Caalamka shir ay arrimaha dalka kaga shireen oo ka dhacay New York.
Qorshaha oo lagu qorey luuqad waafaqsan shuruucda Caalamiga, ayay dowladda ku sheegtay in lagu dhiso hannaan amni oo xaqiijin kara illaalinta qaranimada dalka, iyo amniga muwaadhinka si waafaqsan sharciga caalamiga ah, iyadoo loo fulinayo si daah furnaan ah oo aysan jirin wax qarsoodi ku dhacaya, ciidankana illaalinayaan xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo ku xusan qorshaha in dowladda ay gudanayso mas’uuliyadeeda ku aaddan nabadda iyo amniga dunida, waa inta karaankeeda ah.
Qorshahan waxaa ansixiyay Qaramada Midoobay, Maraykanka, Turkiga, Sucuudiga ,Midoowga Yurub, Imaaraatka iyo Ingiriiska, waxayna sheegeen in ay dowladda ku garab siinayaan in ay fuliso.
Hadda Turkiga wuxuu sheegayaa in heshiiskii dhowaan dhacay uu qeyb ka yahay qorshahaasi oo xilligii fulinta la gaaray.
W/Q : Cabdinaasir Axmed Sh Bashiir