Khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah ayaa isa soo taraya iyadoo Israa’iil ay duqeysay xaafado ku yaalla Deir el-Balah iyo xerada qaxootiga al-Zawaida.
Qaraabada iyo dadku waxay hubinayaan burburka ka dib duqeyntii ka dhacday bartamaha Gaza ,Iyadoo gardarrada Israa’iil ay ku sii fideyso bartamaha marinka Qaza, ayaa waxaa isa soo taraya khasaaraha dadka rayidka ah iyadoo duqeymaha lagu hayo guryaha la deggan yahay ee Deir el-Balah iyo xerada qaxootiga ee al-Zawaida.
Ugu yaraan 15 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarro cirka ah oo Israa’iil ay ku qaaday guryo ay gabaad ka dhigteen afar qoys habeenkii Khamiista. Tobaneeyo qof ayaa ku dhaawacantay, qaar kalena waxay ku hareen burburka hoostiisa.
Sumayya Ahmed, oo ah haweeney da’ ah oo ku sugneyd dhismaha la weeraray ee Deir el-Balah, ayaa sheegtay in xubnaha qoyskeeda ay isku diyaarinayeen inay seexdaan markii uu weerarku dhacay abaare 10:30 habeenimo.
“Walaashay, ninkeeda iyo caruurteeda dhamaantood waa la dilay,” ayay tidhi. “Caruur badan oo kale ayaa ku hoos xayiran alaabta guriga,Waan daalanahay. Waxaa nalagu qasbay inaan guryaheena ka baxno, haddana carruurteena waa la dilay, ayay tiri Sumayya Axmed, oo ah haweeney da’ ah iyaga oo ku qaylinayey gargaar.“Waxaa nagu hoos jira laba qoys oo kale, dhamaantood waa baxeen. Qof walba wuu baxay,” ayay hadalkeeda raacisay.
Dhakhaatiirta ayaa kaliya awooday inay soo saaraan meydadka, iyo kuwa dhaawacmay, subaxdii. Axmed wuxuu sheegay in tobanaan qof ay ku hoydaan dhismaha, oo ay ku jiraan qaraabada iyo asxaabta ka soo barakacay xaafadda Sheekh Radwaan ee waqooyiga.
Sida ay sheegtay, ma ahayn markii ugu horreysay oo ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadaan agagaarka dhismaha. Kahor weerarkii habeenkii Arbacada, dhowr weerar oo cirka ah ayaa waxyeelo u geystay daaqadaha iyo qaybo ka mid ah jikada, ayuu yiri Axmed.
Qaar badan oo la dilay ayaa ah dad Falastiiniyiin ah oo gudaha ku barakacay kuwaas oo lagu qasbay inay ka qaxaan waqooyiga Gaza.
Mahmoud al-Zrei’i ayaa laga soo saaray burburka hoostiisa, wuxuuna sheegay inuu ku neef qabatoobay burburka hoostiisa ka dib markii darbiyadu ay ku soo dumeen, sidoo kale dadku waxay qodayaan burburka hor yaal guriga”dhammaan waxaan oo idil waxa ay ku dhaceen daqiiqado ,” Mahmoud al-Zrei’ ayaa yiri. “Markii la i soo saaray, waxaan arkay hooyaday iyo aabbahay oo dhintay.