1- Heshiiska maanta la meelmariyay waa qalfoof, waxaa dhiman heshiisyo yaryar oo dhawr ah oo si qotodheer u faahfaahinaya waxa lagu heshiiyay ee rasmiga ah, hawshaasna waxaa loo saarayaa guddi labada dhinac ah. Sidaas oo ay tahay ayuu heshiiskani xambaarsanyahay qodobo culus oo ah sababta loo diiday in la faafiyo.
2- Heshiiska waa 10 sano, dowladdana Turkigana waxa ay qaadanaysaa ugu yaraan %30 kheyraadka badda kasoo xarooda, taas waliba halbeegga yahay hadba lacagta Turkiga u arko in faaiidada ugu badanayso.
3- Turkiga isaga ayaa soo saaraya, oo warshadaynaya kalluunka, isaga ayaana suuq geynaya, islamarkaasna jaangoynaya sicirka, iyada oo magaalooyin muhiim ah oo xeebaha yaala la dhigayo qaboojiyeyaal waaweyn oo kalluunka lagaga iibsado xoogsatada Soomaalida ee xajmiga yar soo jalaabta.
4- Hawshii bixinta shatiyada kalluumaysiga ee maraakiibta iyo doomaha ajaaniibta waxaa la wareegaya Turkiga, inkasta oo Turkiga uu doorbidayo in shatiyo badan la bixinin.
5- Sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in kalluunka Soomaaliya ay kasoo xaroon karto lacag dhan Illaa $400 milyan doolar, waa qiyaasaha ugu dhexdhexaadsan.
6- Maanta kolkii baarlamaanka la horgeeyay heshiiska, ma jirin heshiis daabacan oo xildhibaanada loo qeybiyay, mana la siinin fursad suaalo iyo hadal jeedin ah, kaliya waxaa loo akhriyay mabaa’diida guud ee heshiiska, tirada u codeysayna waxaan ka maqalnay guddoomiye Aadan Madoobe, wuxuu sheegay in 213 HAA ku codeysay, 3 MAYA ku codeysay. Waxaa intaasi dheer in saxaafadda dibedda loo saaray.
7- Dhawr wasaaradood oo hawshan ka shaqaynaya, kaliya heshiiska dhegahooda ayaa lagu akhrin doonaa, ee lama siinayo heshiis qoran.
8- Turkiga wuxuu heshiiska ku ballanqaaday in uu dhisayo ciidamo tayo leh oo badda illaaliya muddo 10 sano gudahood ah, balse ma cadda halka uu ka imanayo hubka iyo gaadiidka ay ciidankaasi Soomaalida ah yeelan doonaan.
9- Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maanta ballanqaaday in heshiiska uu kusoo bixi doono Faafinta Rasmiga ah.
FG : Xogta ku saabsan heshiiska waa isa soo tari doontaa muddooyinka soo socda , Soomaaliyana waxa ay haystaaa fursad ay heshiiska uga dhigto mid dhaxalgal ah. Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo faafin doonaa insha allaah.
W/Q : weriye Cabdinaasir Axmed Sh Bashiir