Ra’iisul Wasaare Xamsa 00 Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-Aad
Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumadda DanQaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, isla markaana ay Xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo didaacaya Qarankooda.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa astaan Qaran oo u taagan difaaca haybadda dawladnimo, waxa ayna ilaaliyayaal ka yihiin gobanimada dalkeenna, wadajirka dhulkeenna, iyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Hadda, waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan cadawga Khawaarijta ah ee caadaystay daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed. Waxaan caddaynayaa in aan marnaba la illaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo difaacaya Qarankooda.
Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sanadguurada 64-aad ee ka soo wareegtay maalintii la asaasay ee 12-kii Abriil.
Guuleysta gesyhkayagoow.
Waxaan u hambalyenayaa dhammaan ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed ee har iyo habeen u taagan badbaadada ,badqabka iyo nabadgelyada bulshadeena waxaan ugu hambalyenayaa sanad guura 64aad ee aasaaska ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed
Waxaan naxariis iyo mahadnaq ku xusayaa dhammaan ciidankeenii furimaha dagaalka ku shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, Eebe haka raalinoqdo
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-Aad
Mugdisho, Abriil 12, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannaD guurada 64-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cunaqabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.