Boosaaso (cosob media Group} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Weerarka koowaad oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa ka dhacay suuqa weyn ee magaalada, ayaga oo rasaas ku furay dad ku sugnaa halkaasi.
Goobta waxaa ku dhintay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa uu ka dhacay weerarka, raggii ka dambeeyay falkaasi ayaa ka baxsaday koobta.
Ciidamo ka mid ah kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaas oo ay ka sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen falkaas dhacay.
Sidoo kale weerarka labaad oo loo adeegsaday bambaanooyin ayaa lagu qaaday guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo muhiim u ah warkeena.
Saraakiisha amniga oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan lagu tuuray hoyga wasiirka amniga ee maamulka Puntland.
Waxaa kale oo ay intaasi raaciyeen inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarka oo iyagana baxsaday, kadib markii ay tuureen bambaaooyinka.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacayay qaraxyo, kuwaas oo intooda badan ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyadoo lala beegsanay goobaha ganacsiga, mana jirto illaa hadda cid si toos ah u sheegatay weeraradaasi.